Waxa maanta magaalada Ankara ee dalka Turkiga lagu aasayaa laba dhalinyaro Soomaali ah oo ka mid ahayd ardayda wax ka barta dalkaasi oo ka mid noqday dadka ku dhintay dhulgariirkii dalkaasi ka dhacay 6-dii bishan Febraayo 2023.
Labada wiil ee ardayda ah oo lagu kala magacaabi jiray: Liibaan Cismaan Diiriye iyo C/qaadir Cali Mataan, waxaana meydadkooda shalay laga so saaray burburka Dhismihii ku dumay 10 maalmood ka hor gobolka KahramanmaraÅŸ.
Janaasada iyo Aaska labada Arday ayaa maanta ka dhacaya magaalada Ankara, iyadoo safaaradda Soomaalida ee Turkiga ay ku howlan tahay baadigoobka Soomaali weli lagu la’ yahay Dhulgariirkii Turkiga.
Tirada guud ee dalka ku dhinay Dhulgariirkii Turkiga ayaa kor u dhaafay 38,000 qof, iyadoo Soomaalida ku dhintay ama weli lagu la’ yahay ay ku dhow yihiin 8 qof.
