Xukuumadda Soomaaliya ayaa daah furtay olole loogu gurmanayo dowladda iyo Shacabka Turkiga, kadib dhulgariirkii Turkiga oo ay ku dhinteen dad ka badan 38-kun oo Qof.
Munaasabad ka dhacday Muqiddho ayuu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliyaku d-furay ololaha taakulaynta iyo gurmadka dowladda iyo shacabka Tukiga, kuwaas oo ay dhibaato baaxad wayni ka soo gaartay dhulgariirkii dhawaan dalkaas ku dhuftay.
Kulan qaaraan loogu ururinayo shacabka iyo walaalaha ee Turkiye uuna soo qabanqaabiyey Gudddiga Xukuumadda magacawaday ee gurmadka Turkiga, ayna ka soo qaybgaleen Wasiiro, ganacsato, culimaa’udiin, madaxda dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku yaboohay lacag dhan 1 Milyan oo Dollar oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqayso walaalaha Turkiga, wuxuuna sidoo ugu baaqay Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin firfircoon ka qaatan dadaallada loogu gurmanayo dadka reer Turkiye ee dhibaatadu ku habsatay.
Ganacsatada Muqdisho ayaa gurmadka Turkiga ugu yaboohay ilaa 3 Milyan Dollar, waxaana socda ololaha gurmadka oo la filayo in lacago lagu ururiyo.