Friday, December 3, 2021

Soomaaliya iyo Q/Midoobay oo shaaciyey in Dadka gargaarka u baahan ay gaareen 7.7 Milyan Qof

Dowladda Soomaaliya iyo Q/Midoobay ayaa soo saaray War-saxaafadeed wadajir oo ku saabsan xaaladda abaaraha iyo saameynta sii kordheysa ee Soomaaliya.

“2.3 Milyan oo qof oo ku nool 57 degmo oo ka mida 74 degmo ayaa waxaa halakeeyay biyo la’aan, cunto yari iyo daaq la’aan, iyadoo ay gureen goobihii keydka biyaha iyo ceelashi” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka wadajirka ah.

Sido kale saadaasha Cimilada Soomaaliya ayaa muujineysa in dalka uu qarka u saranyahay inuu  baaqdo xilli Roobaadkii afaraad oo xiriir ah, taas oo xaalad halis ah keeni karta dalka marka la gaaro April 2022.

Ad

Taageeradii beesha caalamka ayaa yaraatay, waxayna dalbadeen in gargaar loo fidiyo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay, waxayna dadka gargaarka u baahan ee Soomaaliyeed ay gaareen 7.7 Milyan oo qof.

- Advertisement -
- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

0FansLike
0FollowersFollow
5,906FollowersFollow
0FansLike
0FollowersFollow
5,906FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!