Tuesday, July 1, 2025

Diiwaangelinta Mushariixinta 6 Kursi (Dirta Waqooyi) oo la bilaabay iyo 3 Kursi oo la hakiyey (Akhriso)

Guddiga hirgalinta Doorashooyinka ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku wargaliyey dhammaan musharaxiintaan u tartamaya 6 kursi oo ka mida Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Gobollada Waqooyi inay is-diiwaan geliyaan.

Liiska lixda kuraasta ee la bilaabayo diiwaan gelinta musharixiinta ayaa waxaa hadda ku fadhiya xildhibaannada kala ah:

1- #HOP233 = Yurub Axmed Raabi

2- #HOP208 = Jamaal Xasan Ismaaciil

3- #HOP210 = Faadumo Xasan Cali

4- #HOP202 = Aamina Cumar Jaamac

5- #HOP225 = Maxamed Cabdi Xayir Maareeye

6- #HOP272 = Guuleed Caydaruus Cige

Waxaa dib loo dhigay 3 kursi oo ka mid ahaa 9-kii kursi ee hore loo shaaciyey in la dooranayo, waxayna kala yihiin tixraaca iyo xildhibaannada ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad:

1- #HOP214 = Dr. Cilmi Maxamuud Nuur

2- #HOP218 = Cabdow Maax Faarax

3- #HOP226 = Maryan Maxamuud Ciise

Kuraasta qarkood ayaa isku ego ah, waxaana ilaa saddex kursi lagha yaabaa inay dooratoo hal ergo oo ka kooban 101 ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON