Wednesday, June 25, 2025

Soomaaliya oo cambaareysay Isku dayga inqilaabka ee ka dhacay Turkiga

Soomaaliya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay si cad u cambaareeya inqilaabka dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga,

kadib markii ciidamo ka mida milateriga Turkiga isku dayeen inay af gembiyaan dowladda dalkaasi.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay inqilaabkaasi iyo in dowladdii uu shacabku doortay kagu bedelo xukun milateri, waxaana si buuxda loogu taageeray madaxweynaha Turkiga Ordogan iyo shacabka dalkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya qoraalka uu soo saaray wuxuu ku sheegay shacabka Turkiga ay heysteen dimoqraadiyad ay muddooyinkii dambe ku naaloonayeen, isla markaana aan la aqbali karin in koox yar oo milateri ah ay jidkaasi ka weeciso.

Madaxda caalamka ayaa intooda badan ku gaabsaday in la ixtiraamo dimoqraadiyadda, waxaana aad u yar dalalka taageerada buuxda la garab istaagay Ordogan.

qoral

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON