Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga qeyb gashay shir ay soo qabanqaabisay dowladda Qatar oo ka dhacay xarunta New York.
Shirkan oo sanadkiiba mar la qabto soona bilowday weerarradii 11 September kadib ayaa looga hadlaa xiriirka Mareykanka iyo Muslimka, arrimaha argagixisida iyo Qaxootiga, waxaana qabta Machadka Brookings ee ka mida xarumaha waaweyn ee fikradaha lagu iibiyo.
Dowladda Qatar oo cadaadis ka saaran yahay Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa shirkan xoogga saartay inay ku muujiso taageerada ay heysato, iyadoo uu ka qeyb galay amiirka dalkaais iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Xarunta Qarammada Midoobay Abuukar Daahir Cusmaan Iyo Danjiraha Soomaaliya ee London, Cabdiraxman Caynte ayaa kasoo muuqday shirkii dowladda Qatar qabanqaabisay.
Yusuf Garaad ayaa farriin uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay inuu shirka wakiil uga yahay, kuna meteleyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.