Tuesday, June 24, 2025

Soomaaliya oo lagu soo daray Dowladaha IGAD ee Ciidamo Nabad ilaalin u diraya Koonfurta Suudaan

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalalka IGAD ee ciidamada nabad ilaalinta u diraya dalalka Koonfurta Suudaan, kadib heshiis ay IGAD kasoo shaqeysay oo dhowaan lagu saxiixay magaalada Addis ababa.

War-saxaafadeed lagu caddeeyay go’aanadii kasoo baxay shir Madaxeedkii Goboleedka IGAD ee Addis ababa ayaa lagu sheegay in IGAD ay Golaha ammaanka kala shaqeyn doonto sidii loo xaqiijin lahaa in ciidamo goboleedka difaaca ee Regional Protection Force (RPF) loo geyn lahaa Koonfurta Suudaan, iyadoo laga codsanayo inay u eegto codsiga IGAD oo ciidamo ka socda dalalka Sudan, Uganda, Jabuuti iyo Somalia oo heshiiska damaanad qaaday loo geyn lahaa Koonfurta Suudaan si loo fuliyo heshiiska R-ARCSS.

Resolves that IGAD shall engage the UN Security Council to ensure that the Regional Protection Force (RPF) is fully deployed to execute its mandate in accordance with the UNSC Resolutions 2304/16 and 2406/18, and shall request for a further review of its mandate to allow Sudan, Uganda, Djibouti and Somalia as guarantors, to contribute forces to enhance the protection and security throughout the implementation of the R-ARCSS.

“Waxey go’aan ku gaartay in IGAD inay kala shaqeyso golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey in ciidama nabad ilaalinta oo ka socda gobolka si buuxda loo geeyo, si ay u fuliyaan howsha loo igmaday qaab waafaqsan qaraarada golaha ammaanka ee 2304/16 iyo 2406/18 waxaana la codsan doonaa in dib u eegis lagu sameeyo howlaha loo igmaday” ayaa lagu yiri war murtiyeed ka soo baxay IGAD.

Soomaaliya oo ay ka howlgalaan ciidamo ka socda Midowga Afrika ayaan la ogeyn sida ay uga qeyb qaadan karaan nabad ilaalin dal kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON