Monday, November 28, 2022

Su’aalo ka dhashay Toogasho Degdega oo lagu fuliyey Sarkaal Milateri oo dilay Taliyihiisii

Su’aalo ayaa laga keenay qaab loo xukumay ee toogashada loogu fuliyey sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Xiddigle C/naasir Daa’uud Sheekh Xasan oo maanta lagu toogtay fagaaraha Dugsiga Sare ee Booliska magaalada Muqdisho.

Askarigan oo lagu helay inuu si bareer ah u dilay Taliyihiisii Dhamme Cabdi Maxamed Axmed Hurdaaye 29 Bishii September ee  Sanadkan 2022 ayaa la toogtay toddobaad kadib marka uu falkaasi geystay.

Siyaasiyiinta Beesha uu askarigan kasoo jeedo ayaa sheegay inaan xukunka iyo ilkiisa loo marin hab sax ah, toogashadiisuna ku dhacday si degdega, iyadoo aanu Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada siinin mudaddii Rafcaan qaadashada ee Bisha ahayd.

Ad

Qofkii qof dila in la dilo shareecada Islaamka ayaa qabta, raali baanan ka nahay . Waxaa naga maqan oo aan Dowladda Federaalka Soomaaliya weydiisaneynaa meydka wiilkaas la toogtay si aan u aasanno. Waxa aan xaq u laheyn in naloo sheego in la tooganayo si la mid ah sida ay xaadir u ahaayeen qoyska wax loo qisaasayay, mana dhicin” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo ka hor yimid qaabka loo maray.

Qofkii qof dila in la dilo shareecada Islaamka ayaa qabta, raali baanan ka nahay . Waxaa naga maqan oo aan Dowladda Federaalka Soomaaliya weydiisaneynaa meydka wiilkaas la toogtay si aan u aasanno. Waxa aan xaq u laheyn in naloo sheego in la tooganayo si la mid ah sida ay xaadir u ahaayeen qoyska wax loo qisaasayay, mana dhicin.

Wuxuu sheegay inaan wax rafcaan ah la siin, isla markaana Meesha ay toogashadu ka dhacday aysan aheyn meelaha dadka dadka lagu toogto oo xero ciidan la geystay. “Sharciga waa in loo sinnaado. Wiilkaa meydkiisa hadaan heli weyno, waxeey ka dhignaan doontaa ku tagri fal awoodeed iyo dhaqan cusub oo bilowday” ayuuna yiri.

- Advertisement -

Maxkamadda Ciidamada ayaan weli wax jawaab ah ka bixin arrintan, iyadoo wararku sheegeen in cadaadis uga yimid ehelka Taliyihii la dilay oo doonayey in si degdega loo toogto sarkaalka dilka geystay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!