Qorshihii xasilinta ammaanka Muqdisho ee xukuumadda Soomaaliya ayaa su’aalo badan ka dhasheen kadib markii weerarro is xiga ay Alshabaab ka geyteen caasimadda.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kulamo xiriir ah la yeeshay saraakiisha amniga Mudisho iyo taliyeyaasha ciidamada, waxaana si weyn looga dooday xaaladda ammaanka Muqdisho.
Wararka laga helayo Guddiga Amniga ee uu guddoomiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegaya in saraakiil dhowr lagu wado in xilalka laga qaado, kadib markii ay ku guul darreysteen inay xilalkooda kasoo dhallaalaan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shirar dhowr ah oo uu la yeeshay taliyeyaasha iyo saraakiisha amniga u caddeeyay inaysan suuragal ahayn xisaabtan la’aan ayna dhici doonto in la is weydiiyo xaalad kasta oo amni darro.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dhinaciisa ku taageeray madaxweynaha in tallaabo laga qaado saraakiil dhowr ah oo loo heysto dayacaad amni, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay soo baxdo xil ka qaadistaasi.
Saddex weerar oo waaweyn ayay Alshabaab ku qaaday xarumo dowladeed iyo hoteelo ku yaalla Muqdisho, iyadoo ay ku dhinteen dad fara badan.
Goobjooge