Xiisadda milateri ee u dhaxeysa dalalka Suudaan iyo Itoobiya ayaa kasii dareysa, iyadoo madaxda labada dal ay is-weydaarsadeen hadallo kulul oo ku saabsan xaalada xuduudka u dhaxeysa labada dal.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Dina Mufti ayaa ku eedeeyay Suudaan inay ka faa’iideysatay mashquulka ay Itoobiya ku tahay Gobolka Tigray, kadibna ay ku xadgudubtay xuduudka Itoobiya, iyadoo ay arrintan uu ku taageerayo dal saddexaad sida uu yiri.
Suudaan ayaa beenisay inay ciidamadeeda gudaha u galeen Xuduudka Itoobiya, waxayna caddeysay inay kaliya sugeen, kuna eg yihiin xuduudka Suudaan oo muddoo dheer ay ku sugnaayeen Beeraley Itoobiyaan ah.
Wasaaradda Arrimaah Dibadda Suudaan ayaa goor dhoweyd mar kale ku eedeysan diyaaradaha dagaalka Itoobiya inay ku xad gudbeen hawada dalka Suudaan, waxayna ka digtay in arrintaasi ay ka dhalan karto inay sii xumaato xaaladda xuduudka labada dal.
Xaaaldda ayaa ka sii dareysa, iyadoo Sudan ku akeysaneyso inay xuduudkeeda xiratay, halka Itoobiya ku doodeyso in Suudaan qabsatay dhul ka mida dalkeeda, waxaana hore u socon waayey hirgelinta calaamadeynta xuduudka labada dal. Labada dal ayaa laga cabsi qabaa inay dagaal fooda is daraan haddii xiisadu sii xoogeysato.
Iskudhaca labada waddan ee hadda taagan wuxuu ku saabsan yahay dhulka loo yaqaanno Al-Fashaqa, halkaas oo ah meesha uu gobolka Amhara ee waqooyiga-galbeed uga yaalla Itoobiya uu xadka kala wadaago gobolka Gedaref ee dalka Suudaan.
Al-Fashaqa, oo ku fadhida dhul dhan 600 kiilo mitir ayaa ah dhul ku fiican dhanka beeraha. Waxaa marar badan goobtan uu dagaal ku dhexmaray beeraleyda labada dal. Itoobiya iyo Sudan ayaa waxaa u dhaxeeya xuduud aad u dheer kaas oo dhan 750 kiilo mitir.
