Sunday, June 29, 2025

Suuqa ugu weyn Magaalada Boosaaso oo la xiray kadib waxyaabo Qarxa oo lagu arkay

Wararka laga helayo magaalada magaalada Bosaso ayaa sheegaya in laga hor tegay Bam la shigay suuqa weyn ee magaalada Boosaaso intii aanu qarxin.

Ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ayaa xiray  suuqa iyadoo waxyaabo laga shakiyay lagu arkay halka loo yaqaan isgoyska Caanaha ee suuqa wweyn magaalada Boosaaso, waxaana laga fogeeyay dhammaan dadkii halkaasi ku sugnaa.

Wararka ayaa sheegaya in waxyaabaha qarax ee halkaasi la dhigay culeyskoodu ka badnaa 100 Kg. Waxaa weli xiran goobta la sheegay in waxyaabaha qarxa ay yaallaan, kuwaasoo qaar la mida ay hore u qabteen ciidamada ammaanka Puntland.

Waxa socda dadaal la doonayo in waxyaabaha qarxa lagu kala furo, iyadoo suuqa weyn ee magaalada lagu kala cararray caawa oo la xiray dhammaan ganacsiyadii.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON