Sunday, June 22, 2025

Taageerayaasha Farmaajo oo Warqad Dalab Dhaqaale oo yaab leh ka sameeyay RW Rooble iyo Beenin..

Iyadoo uu heerkii ugu xumaa uu marayo dagaalka u dhaxeeya xafiisyada Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la faafiyey qoraal uu dhaqaale ku dalbanayo oo la sheegay inuu kasoo baxay Ra’iisal wasaaraha.

Warqaddan ayaa ku socota Bankiga Dhexe, iyadoo Ra’iisal wasaare Rooble ku dalbanayo in lagu soo wareejiyo lacagtii Imaaraadka Carabta ee lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho April 2018, taasoo gaareysa 9.6 Milyan oo Dollar, Lacagta ayaa weli ku xayiran Bankiga Dhexe.

Qoraalkan waxaa si degdeg ah ah u beeniyey oo been abuur ku tilmaamay afhayeenka Ra’iisal wasaaraha Maxamed Ibrahim Macalimuu, wuxuuna war uu soo saaray ku yiri: “Warqad been abuur ah oo Baraha Bulshada la wareejinayo taas oo la doonayo in Shacabka sharafta badan lagu jahawareeriyo si ula kac ah. Haku kadsoomin waa waxba kama jiraan. Beeni raad maleh”

Ad

Arrintan ayaa qeyb ka ah dagaalka aan waxba la iskula harin ee taageerayaasha Farmaajo iyo Rooble, iyadoo muddooyinkii danbe taageerayaasha Farmaajo ee Baraha bulshada laga yaqaan ay weerarro toos ah iyo been abuur ka sameynayeen Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dhinaca kale taageerayasha Rooble ayaa dhinacooda weerarro ku haya Farmaajo iyo kooxdiisa, waxaana Baraha bulshada, siiba Facebook uu noqday goobta ugu darran ee labada dhinac ku dagaalamaan.

No photo description available.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON