Tuesday, July 15, 2025

Taageerayaasha Musharax Farmaajo oo ruxay Muqdisho maalmo ka hor imaanshihiisa

Dhaqdhaqaaqa taageerayaasha Musharaxa madaxweynaha Maxamed C/llaahi Farmaayo ayaa si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho.

Taagerayaasha oo u badan shacab iyo dad is abaabulay oo ay ku jiraan kooxda ololaha musharaxa ayaa wadooyinka Muqdisho ku maray gawaari ka badan 10 oo ay ku xiran yihiin sameecado waaweyn oo heeso wadani ah sii deynaya.

Farmaajo oo la filayo inuu maalinta Talaadada ee soo socotaayaa diyaar garowga soo dhoweyntiisa ay si weyn uga muuqataa caasimadda, waxaana lagu wadaa in isbedel weyn ay dhaliso imaanshihiisa.

Taageerada shacabka ee Farmaajo ayaan ku filneyn inuu codad ka helo labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka sidii dhacday doorashadii 2012 oo wareegii koowaad uu ku haray.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON