Monday, July 14, 2025

Tahriibayaal Oromo ah oo lagu dilay weerarro ka dhacay Magaalada Boosaaso

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in dad tahriibayaal ah oo u dhashay Oromada Itoobiya lagu dilay halkaasi, kadib weerarro kala duwan oo ka dhacay.

Weerarka hore ayaa lagu qaaday gaari ay la socdeen dad tahriibayaal ah, waxaana weerarka ku dhintay laba qof oo mid haweeney ahayd, iyadoo weerar kale lagu qaaday isla tahriibayaal Oromo ah, waxaana weerarka labaad ku dhintay nin Oromo ah iyadoo laba kale ku dhaawacmeen.

Falalka lagu weerarray tahriibayaasha Oromada Itoobiya ee ku sugan magaalada Boosaaso ayaa ayaa yimid iyadoo iska hor imaad uu dhowaan dhax maray ciidamada amniga iyo dabley hubeysan oo dadka tahriibisa, waxaana cabsi weyn soo wajahday tahriibayaasha Oromada ah ee ku sugan magaalada Boosaaso.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON