Saturday, April 27, 2024

Taliska Booliska oo Digniin soo saaray iyo Heegan la geliyey Saldhigyada Booliska Magaalada Muqdisho

Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa farriin kasoo saartay roobab waaweyn oo ku soo wajahan magaalada Muqdisho.

Taliye ku xigeenka Booliska oo aan sheegin halka ay kasoo xigatay arrintan ayaa ku wargelisay dadka in heegan la geliyey saldhigyada Booliska Muqdisho, waxayna farriinteeda ku tiri: “Iyadoo dhawaan la filaayo roobabka Mahiigaanka waxaa dhamman saldhigyada boliiska G/Banadir iyo Laanta Gurmadka Dag Dag ee Dowlada Hoose la geliyay heegan buuxda sidoo kalena la diyaariyay baabuurta gargaarka sida ambulansyada iyo deb demiska..”

Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in muwaadinkii u baahda gurmad degdeg ah uu la xiriiro Hay’adaha Amniga iyo Gurmadka degdega iyagoo wici kra number-ka 991 .

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON