Friday, April 19, 2024

Taliska Booliska oo dusiyey Muuqaal ay ka duubeen Amal Nur Markii ay u gacan geliyeen Safaarada Denmark. [Daawo]

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa warbaahinta u dusiyey muuqaal ay ka duubeen gabadhii Amal Nuur Cusmaan ee ka baxsatay xarun dhaqancelin oo ku taalla magaalada Muqdisho, taasoo ay u gacan geliyeen Safaaradda Denmark ee Muqdisho.

Muuqaalka ayaa muujinaya Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Jen. Zakiya Xuseen Ahmed oo su’aalo weydiineysa gabadha oo barbar fadhida Safiiradda Denmark ee Soomaaliya Mette Knudsen Denmark, waxayna gabadha sheegtay inay iyada iyo saaxiibadeed qorsheeyeen baxsashadii xarunta Dhaqancelinta, kadibna ay saaxiibadeed la joogtay, wax dhibaato ahna aan loo geysan haddana ay rabo inay dalkii ay ka timid ee Norway ku noqoto.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Xijaar ayaa shaaciyey 21-kii bishan Janaayo 2020 in la helay gabadhii Amaal Nuur cusmaan, ayna ku jirto gacan amaan ah, wuxuuna ku dooday inay ahayd 18 sano jir, laakiin saacado kadib ayaa waxaa soo baxday inuu Booliska Soomaaliya u gacan geliyey saraakiil ka socotay safaaradda Denmark.

Ad

Amaal waxay Gen. Zakiya oo wareysi ka qaadeysay u sheegtay in markii ay soo baxsatay ay la joogtay saaxiibo, laakiin taliyaha Booliska Gen. Xijaar ayaa sheegay inay gabadha gacanta ku heysay Hay’ad Daryeesha haweenka oo uu magaceeda ku sheegay “Center for Women Development”.

Lama sheegin sida ay gabadhan oo aanu Boolisku tusin hooyadeed Amran Xalane iyo waalidkeed oo Muqdisho ku sugan ay ku tagtay Garoonka Muqdisho iyadoo aan wax dokumenti ah, wadan, waxaana shaki weyn laga qabaa qaabka Booliska Soomaaliya u maareeyeen arrintan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON