Monday, June 23, 2025

Taliska Booliska oo Farriin ku saabsan Wadooyinka xiran ee magaalada u diray Dadweynaha Muqdisho.

Taliska Booliska ayaa farriin codsi ah u diray dadweynaha magaalada Muqdisho, kadib markii la xiray qaar ka mida wadooyinka caasimadda arrimo amni dartood.

Farriintan oo ay soo diray taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Ahmed ayaa looga codsaday dadka Gobolka Banaadir ku nool inay dulqaad muujiyaan inta uu socday shirka caalamiga ah ee Iskaashiga Soomaaliya, waxayna sheegtay in dadka loo diyaariyey gaadiidka gargaarka degdega ah.

“Wargelin; Shacabka G/Banadir waxaa si sharaf leh laga codsanayaa inay inoo dulqaataan intuu socda shirka caalamiga ah ee Somali Partnership Forum oo dartiisa loo adkeeyay isku socodka baabuurta magaalada. Waxaa idiin diyaarinay Ambulance gurmad dagdag ah idinku adeegno” ayey farriinteeda ku tiri taliye ku xigeenka Booliska.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON