Taliska Booliska Soomaaliya ayaa eedeyn u jeediyey guddoomiye ku xigeenka Baarlamaankii 10-aad ee Federaalka C/weli Ibraahim Muudey oo shalay laga celiyey inuu u safro magaalada Baraawe, isagoo taageeray go’aanka maamulka K/Galbeed.
Afhayeenka ciidamada Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa maalin kadib dhacdadaasi shir jaraa’id uga hadlay is-hortaaggii shalay lagu sameeyey Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay inuu watay ciidamo fara badan oo watay hub culus oo ay mamnuuc tahay in magaalooyinka Doorashada lala tago.
Afhayeenka oo ku dooday in Booliska ay mas’uul ka yihiin Amniga Doorashada ayaa sababta loo celiyay Musharax C/weli Muudey ku sheegay inuu Hub fara badan iyo ciidamo, taasoo ay keentay in laga hor istaago inuu ciidamadaas kala baxo Garoonka.
Wuxuu sheegay musharixiinta loo ogol yahay ilaalo gareyso 4 ama 5 nin o kaliya. Waxayna arrintan imaaneysaa xilli wasaaradda Amniga Maamulka Koonfur Galbeed ay mushariixinta ka mamnuucday inay wax hub iyo ciidan ah u qaataan magaalooyinka Baraawe iyo Baydhaba.