Taliska ciidamada Booliska ayaa raaligelin ka bixiyey tacdiyo isugu jira jirdil, ciqaab iyo xarig loo geystay weriyeyaal ka tirsan Warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Booliska ayaa sheegay in falkii loo geystay saxafiyiintii tegay Saldhigga Kaxda uu ahaa gef aysan raali ka ahayn ciidamda Booliska, askartii iyo saraakiishii geystay falkaasina la xiray oo baaritaan lagu hayo, kuna sugan yihiin Xarunta denbi baarista CID.
“Waxaan maanta oo taariikhdu tahay 16, Febraayo 2022 aan raaligelin buuxda usoo jeedinayaa weriyeyaasha Soomaaliyeed oo sida khaladka ah ay ugu xad gudbeen ciidamo ka tirsan Booliska. Waxaan ka raaliglineynaa wixii goobtaasi ka dhacay, saraakiishii hoggaamineysay ciidankii falkaasi geystay iyo taliyahooda waa la xiray, sida uu amray taliyaha ciidanka Booliska oo arrintaas ka xumaaday “ ayuu yiri Afhayeenka Booliska C/fatax Xasan Cai.
Wuxuu sheegay in Taliyaha ciidamka Booliska iyo taliyeyaasha kale ay aad uga xun yihiin falkii dhacay, ayna u xaqiijiyeen in saxaafadda ay tahay saaxiibkooda oo wadashaqeyn ay kala dhaxeyso, lana xoojin doono xiriirka kala dhaxeeya Booliska.
