Monday, July 14, 2025

Taliska Booliska oo shaaciyey kiiska loo heysto Madaxda & Saraakiisha la xiray ee Canshuuraha Garoonka Muqdisho.

Taliska ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay kiis ku saabsan musuqmaasuq oo loo xiray Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda & Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska qeybta Canshuuraha ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Taliyaha hoggaanka Canshuuraha Ciidamada Booliska C/llaahi Xasan Bariise  ayaa warbaahinta u sheegay in Hoggaanka Baarista dambiyada ee CID-da uu helay xog kusaabsan musuq ka jira qeybta Canshuuraha Garoonka Aadan-Cadde, kadibna ay dabagal kadib xabsiga dhigeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyada iyo saraakiisha ciidamda Booliska oo kiiskan ku lug yeeshay.

Wuxuu sheegay in baarista kiiskan ay ka socoto Xarunta CID-da, ityadoo natiijada kasoo baxda loo gudbin doono Maxkamada awoodda u leh qaadista dacwadda musuqa ah ee loo heysto Mas’uuliyiinta & Sarakiisha Kastamka Canshuuraha ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ee la xiray.

Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay inaan la aqbali karin in musuq lagu qaato Canshuurta ay shacabka iyo ganacsatada bixiyaan, ayna xaqdarro tahay in shaqsi si gaar ah uu lunsado hantida qaranka.

Dadka kiiskan musuqa ah u xiran ayaa waxaa ka mida Milkiilaha Idaacadda Shabeelle ee magaalada Muqdisho C/maalim Yuusuf oo madax ka ahaa waaxda canshuuraha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON