Iyadoo xiisadda ka dhex taagan labada Garab ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa arrinta xiisadda ka taagan xildhibaannada soo dhexgalay Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Afhayeenka ciidamada Booliska oo goor dhoweyd shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamada Booliska ay adkeeyeen ammaanka Baarlamaanka isla markaana maalinta Berri in ciidamadu xoojin doonaan Amniga, wuxuuna xildhibaannada uga digay inay wax hub ah la galaan xarunta baarlamaanka.
“Xildhibaanada looma ogol inay Hub la galaan Xarunta Baarlamaanka, iskaba daayee Xitaa Istakiin ama Findhicil Lama Ogala inay la soo galaan…” sidaas waxaa yiri afhayeenka ciidamada Booliska Qaaasin Axmed Rooble.
Afhayeenka Booliska ayaau uga digay inay ku kacaaan falal ammaanka lid ku ah sida inay hub u soo qaataaan golahaa shacabka, wuxuu caddeeyay in aad loo hubin doono xildhibaaanada imaaanaya kulanka Berri, iyadoo baaritaano adagna ay jiri doonaaan.