Monday, June 23, 2025

Taliska Booliska xabsiga dhigay Ciidamo ku sugnaa Bar Kontrol oo ka danbeeyay Dilkii Taliye ka tirsan DANAB

Taliska ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ka hadlay is-rasaaseyn caawa maqribnimadii ka dhacday agagaarka Hotelkii Naasa-hablood II ee magaalada Muqdisho.

War kasoo baxay taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Zakiya Xuseen ayey ku sheegtay in gacanta lagu dhigay ciidamada rasaasta ku furay gaariga uu watay taliye ka tirsan Danab, waxayna qoraalkeed ku tiri: “Caawa abaaro maqhribkii waxaa isgoyska ex-Shabelle ka dhacay israsaaseyn taasoo ku geeriyooday Allah u naxariistee sarkaal ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka. Dhamman ciidanka joogay bar controolka uu falka ka dhacay waxeey ku jiraan gacanta Ciidanka Boliiska oo wada baarista falka…”

Falka is-rasaaseynta ee caawa ayaa waxaa ku dhintay taliyihii ururka Gorgor ee ciidamada Kumaandooska Maxamed Salebaan (Maxaadeey), iyo askari ka mida ilaaladiisa, waxaana weli baaritaan ku socdaa falka lagu dilay taliyaha oo ka mid ahaa ciidamada Kumaandooska ee ay tababartay dowladda Turkiga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON