Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa war kasoo saaray weerarkii Alshabaab saaka aroortii ku qaaday saldhigga ciidamada degaanka Xawaadley, degmada Balcad ee Gobolka Sh/Dhexe.
Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in 21 ka tirsan Khawaarijta Alshabaab lagu dilay degaanka Xawaadleey ee gobalka Shabeellaha Dhexe.
Wuxuu sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay dib u waabiyeen weerarka maleeshiyaadka Khawaarijta ee saldhigga ciidamada Xawaadleey, isagoo qiray in ciidamada dowladda ay ka dhinteen 5 Askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay inay weerarkii xawaadley ku dishay askar iyo saraakiil fara badan kuna qabsaday hub iyo saanad ciidan intii aysan ka bixin goobta weerarku ka dhacay.
