Taliska Mareykanka ee Qaarada Afrika (AFRCOM) ayaa Gaadiid gaashaaman ku wareejiyay maanta Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Waxaa gaadiidkan oo ahaa kuwo kala duwan oo nooca Milatariga ah lagu wareeiyey munaasabad ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho uu goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Janeraal Odawaa Yuusuf Raage, Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka iyo Saraakiisha Taliska Mareykanka ee AFRICOM.
Gadiidkan Maanta lagu wareejiyay Ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa loogu talagalay in ay ku howlgalaan Ciidanka kumandooska DANAB ee Mareykanku tababrray, saladhigooduna yahay Garoonka Ballidoogle.
Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Mareykanka uga mahadceliyay Gaadiidka dagaal aaay ku wareejiyeen, isagoo sheegay in Ciidamada DANAB sidii loogu talo galay ugu howlgeli doonaan.
Mareykanka ciidamadiisa kala baxay Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkan 2021, iyadoo uu weli wada shaqeyn la leeyahay ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ciidamada Danab oo uu tababarka iyo Mushaarka siiyo.




