Tuesday, June 24, 2025

Taliska Mareykanka ee Afrika oo shaaciyey inuu ka hortegay Gaari Qarax ku rarnaa oo ku socday Muqdisho

Taliska ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ayaa war kasoo saaray duqeynta ka dhacay  xalay Gobolka Sh/hoose ee lagu bar tilmaameedsaday Gaari Caasi ah.

Weerarka ayaa ka  dhacay degaanka Mubaarak oo magaalada Muqdisho  Koonfur Galbeed uga beegan 56 KM, waxaana AFRICOM ay shaacisay in duqeyntaasi ay looga hortegay Weerar qarax ah oo ku socday magaalada Muqdisho.

Weerarka ay Gaariga siday qaraxyada ee  Alshabaab ku qaaday subaxnimadi Talaadada diyaarad Drone ah oo Mareykanku leeyahay ayaa taliska Mareykanka uu sheegay inay meesha ka saarto qarax ay hubaal ahayd inuu ku socday magaalada Muqdisho.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in qof rayid ah aanay wax ku noqon duqeynta, iyadoo aan faahfaahin laga bixin cidda Alshabaab wax uga noqotay.

Aslshabaab ayaa soo bandhigtay Gaari caasi ah oo moos la saaray, kaasoo la sheegay in Mareykanka ay duqeeyeen iyadoo aanay la socon cidna.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON