Thursday, June 26, 2025

Taliska Mareykanka ee Afrika oo War kasoo saaray Duqeyn laga fuliyey Duleedka Kismaayo [Taliyaha Milateriga oo war kale..]

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa war kasoo saaray howlgal duqeyn ah oo ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, iyadoo war kale uu hore uga soo saaray taliska Milateriga Soomaaliya.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya ciidamada dowladda Fewderaalka ay weerar duqeyn ah ku aadeen Alshabaab kadib markii ay weerar ku qaadeen ciidamo Soomaali ah oo ku sugnaa waqooyi-galbeed ee magaalada Kismaayo, weerarka oo dhacay maanta ayaa lagu dilay 2 ka mida argagixisada, waxayna AFRICOM ay sheegtay inaysan jirin waxyeello soo gaartay dad shacab ah.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa shaaciyey in ilaa 15 xubnood oo ka tirsan Maleeshiyada Shabaab lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Bandar-jadiid oo u dhow Buundada Araare ee gobolkaasi Jubbada Hoose, islamarkaana ay nolosha ku qabteen mid ka mida maleeshiyaada Alshabaab, waxaan warkan laga soo xigtay taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage,

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON