Sunday, June 22, 2025

Taliska Mareykanka oo shaaciyey tirada Alshabaab-ka ee lagu dilay Duqeyntii Galgaduud

Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa shaaciyey tirada Alshabaab ee lagu dilay duqeyntii ka dhacday duleedka magaalada Galcad ee Gobolka, Galgaduud.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu yiri: “Codsi ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa weerar is-difaacid ah oo wadajir ah waxa ay ka fuliyeen deegaan fog oo ku dhow oo qiyaastii 15-KM dhanka Koonfureed kaga beegan Galcad, Soomaaliya, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday Al-Shabaab.

Taliska Mareykanka ayaa sheegay in Weerarkan oo ahaa duqeyn cirka ah oo lagu taageerayay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed oo dagaal kula jiray kooxda argagixisada ah lagu dileen 5 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, iyadoo aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay.

Ad

Dowladda Federaalka ayaa xalay iyo shalay shaaciyay warar kala duwan oo ay ku sheegtay in 30 ilaa 50 Alshabaab ah lagu dilayu weerarkii ka dhacay duleedka Galcad.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON