Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika AFRICOM ayaa shaaciyey in weerarka cirka oo loo qaaday is-difaac lagu dilay xubno ka tirsan Alshabaab, markii ciidamada isbaheystay ee Somalia iyo kuwa Mareykanka uu dagaal uga yimid Alshabaab duleedka magaalada Kismaayo.
Weerarka ayaa ka dhacay degaanka Jannaay Cabdalle iyo meel 50KM u jirta magaalada Kismaayo, waxaana qoraalka taliska Mareykanka ee Africa lagu sheegay inay daraasad ku sameynayaan 18 lagu dilay duqeynta, iyadoo laba kale oo Alshabaab ka tirsan lagu dilay iska hor imaad dhex maray ciidamada Soomaalida.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA