Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika Dowladda Maraykanka ayaa war kasoo saaray weerarkii Bariire ka dhacay bishii Ogost ee sanadkan.
Qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika AFRICON ayaa lagu beeniyay in dad rayid ah lagu diley howlgalkii laga fuliyay beer ku dhow deegaanka Bariire ee gobolka Sh/hoose 25kii August 2017. Waxaana lagu caddeeyay in dadka howlgalkaa lagu diley ay ahaayeen ‘Dalkey hubeysan oo caddow ah”.
Qoraal kooban oo cinwaankiisu ahaa “Qiimeynta Eedeymaha Dad Rayid Ah Oo La Diley 25kii August oo la soo Saaray.” ayaa lagu sheegay in kadib kadib qiimeyn iyo baaritaan laga sameeyay howlgalka oo ay wadajir u qaadeen ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Mareykanka ayna soo baxday eedeymo la xiriira in dad rayid ah lagu diley, basle Taliska Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Howlgalada Africa (SOCAF) uu ku soo gunaanaday in dadka halkaa lagu diley ay ahaayeen caddow hubeysan.
Qoraalka ayaa lagu sheegay inta aanay ciidamada gaarka ah ee Maraykanka howlgalka la fulim kuwa Soomaaliya fulin ay sameeyaan qorshe ballaaran oo looga hortago in dad rayid ah ay howlgaladaa wax ku noqdaan.
Warbixintan Mareykanka soo saaray 3 bilood ka dib weerarkii Bariire ayaa ka hor imaaneysa warbixin ay soo ururiyeen guddi golaha wasiirada u diray arrintan oo sheegay in halkaasi lagu dilay 10 qof oo rayid ah, iyadoo markaas kadib ay dowladda Federaalka bixisay magdhow lacageed.