Taliyaha Taliska Ciidammada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa ku tilmaamay madaxweynaha xilka kororsaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo mid ka halis badan Alshabaab.
Taliyaha Jeneraal Stephen Townsend oo shalay warbixin u jeediyay guddiga Senete-ka ee arrimaha amniga ayaa u sheegay in caqabadda amni ee ugu weyn ee haatan ka jirta Soomaaliya aysan ahayn kooxda Al-Shabaab, balse ay tahay muddo korosiga Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
“Saameynta ugu weyn ee amniga Soomaaliya haatan ma aha Al-Shabaab, waa xasaradda siyaasadeed ee ka dhex taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada. Muddo krorosiga ka baxsan dastuurka ee xilka madaxweynaha — taasi waa caqabaddeenna ugu weyn, sida aan filayo, hadda,” ayuu yiri Jeneraal Townsend oo ka jawaabayy su’aal uu weydiiyay guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Ciidamada u qaabilsan Senate-ka Mareykanka Sen. Jack Reed.
“Lama dafiri karo in ka saaridda ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ay abuurtay jahawareer iyo khatar hor leh, fahamkeenna waxa ka dhacaya Soomaaliya hadda waa ka yar yahay sida markii aan gudaha joognay..” ayuu yiri Taliyaha AFRICOM.
