Tuesday, June 24, 2025

Taliyaha Booliska G/Banadir oo Dhoolatus u tegay Jidka Afgooye, kadib Warbixin sir ah oo ay baahisay..

Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Banaadir ayaa galabta kormeer dhoolatus ah ku tegay wadadda isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgooye, kadib cabasho ka timid dadka iyo gaadiidleyda adeegsada wadaddaasi.

Jidka isku xira Afgooye iyo Muqdisho oo la dhisay ayaan la furin weli, waxaana kaliya loo ogol yahay Mootooyinka Dhugdhugleyda ah ee laba lugta leh, iyadoo gaadiidka kale ay maraan jid caddeyaal qarda-jeex ah, waxaana gaadiidka waweyn la fasaxaa habeenkii si gaara.

Warbixin ay Idaacadda KNN ka diyaarisay xaaladda jidkaasi ka taagan iyo dhibaatada lagu qabo ayaa soo shaac bixisay lacago baad ah oo Mootooleyda ka qaadaan ciidamada isbaarooyinka dhigtay Jidkaasi, waxaana dadka iyo gadiidleydu ka warrameen xaaladda adag ee ka taagan Jidka iska xiran muddo bilo ah markii la dhisay kadib si lacago baad ah ciidamadu uga qaataan gaadiidka.

Jawaabta warbixintaasi oo la filayey inay noqoto wax ka qabashada xaaladaasi iyo furitaanka jidka ayaa noqotay in Taliyaha Qeybta Boliska Farxaan Maxamed Aadan (Qaroole) uu kormeer bandhig leh ku tago halkaasi, isagoo adeegsanaya warbaahinta taageerta dowladda oo diyaarisay warbixin kale oo lagu beeninayo xaqiiqada lasoo bandhigy, kana hadleysa in jidka Afgooye si qurux badan loo dhisay, wax dhibaato ahna aanay ka jirin.

Maanta ayaa la sheegay in la furay wadooyin jid-caddeyaal ah, siiba wadda gasha xaafadda Galmdug oo ah xaafadii ugu daran ee xabsiga ahayd, iyadoo jidkaasina uu xirnaa in ka badan 2 sano, waana halka waxqabadka ka dhashay Warbixintii KNN.

Dadka adeegsada Jidka Afgooye iyo Mootooleyda dadka u kala qaada Muqdisho iyo Afgooye waxay qabaan dhibaatada ay ku jireen muddo 2 sano ah iyo xaalad kale oo kusii korortay markii uu dhammaaday dhismihii Jidkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON