Taliyaha Bbooliska Gobolka Banaadir Col. Bishaar Abshir Geedi ayaa si kulul u weeraray guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.
Wuxuu sheegau sheegay in gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir aysan ma’suuliyad iska saarin suggidda amniga degmooyinka ayy mas’uulka ka yihiin, isla markaana ay ka maqan yihiin shaqadooda.

Wuxuu ka codsaday guddoomiyaha Gobolka Banaadir inuu arrintan wax ka qabto qaar ka mida Guddoomiyeyaasha aan degmooyinkooda deganeyn, loona baahan yahay in xilka la qaado kuwa aan gudan mas’uuliyadda loo dhiibay.
Hadalkan ayuu ka jeediyay shir ay arrimaha ammaanka ka yeesheen Guddoonka Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka oo ay wehliyaan talisyada booliska iyo nabadsugidda oo looga dooday arrimaha ammaanka.
DHAGEYSO
Goobjooge.com