Thursday, June 8, 2023

Taliyaha Booliska Hiiraan oo u jawaabay Cali Jeyte. “Nin War maqla ma aha, lacagta Gobolkana..”

Taliyaha Booliiska Gobolka Hiiraan, Isaaq Cali Cabdullaahi ayaa si kulul uga jawaabay eedayn uu u jeediyey Guddoomiyaha Gobolka Cali Jeyte Cusmaan.

Taliyaha ayaa sheegay in sida uu uu hadlay Guddoomiyaha Gobolka aysan ahayn mas’uuliyad, caadana uu ka dhigtay, eedeyntiisuna ay ahayd mid u baahan inuu markii hore isaga isa saxo, iyaguna ay sameeyeen wixii ay kari kareen oo aysan lahayn wax eed ah.

“Ciidamo gaara ayuu leeyahay, isagaana qaata dhaqaalaha Gobolka, Guddoomiye degmo ma yaqaan, Nabadusugid ma yaqaan, mana aha Qof wax dhageysta maaha, hal marna shir amni ma qaban.. Waxaan leeyahay guddoomiyow dib isugu noqo….” ayuu yiri Taliyaha Booliska Gobolka Hiiraan.

Ad

Taliyaha wuxuu sheegay in wadooyinka soo gala magaalada Beledweyne ay badan yihiin, isla markaana aysan lahayn wax koontrool ah qaar ka mida, wax tallaabo ahna aan laga qaadin.

Saldhigga Lama-galaay ee la qarxiyay ayuu sheegay Taliyaha Booliska inay mas’uul ka yihiin ciidamada ATMIS iyo Milateriga, balse isku xirkii Booliska iyo ciidamadaasi uu ka gaabiyey Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!