Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ka cudurdaartay hadal ka soo yeeray oo uu hore ugu taageeray Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh.
Hadalkan ayuu sheegay inay degdeg ka keentay oo farxad darteed ay ahayd isagoo aan uga dan lahayn doorasho, wuxuuna kalimadaasi oo ahayd: “Madaxweyne saddexda sarkaal codkooda waa ku tashaneysaa..” ay ahayd kalimad khalad uga dhacday.
Hadalkan ayuy Bishii December ka sheegay xafladda maalinta Booliska Soomaaliyeed oo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku sugnaa, isagoo markaasi si cad u taageeray madaxweyen Xasan Sheekh. (Akhri Warka Jen. Xaamud)
Taliyaha Booliska ayaa ka mida taliyeyaasha lagu wado in xilka laga qaado, waxaana cudurdaarka loo arkaa inuu yahay mid hordhac ah, iyadoo ay hore dacwad uga gudbiyeen musharixiintii xilka madaxweynaha.
Dhageyso Taliyaha Booliska
Goobjooge.com
Taliyaha ciidamada Booliska oo ku biiray kooxda ololaha Madaxweynaha Xasan Sheekh [DHAGEYSO]