Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyey in isbedel weyn lagu sameynayo qaabka loo sugo amniga caasimadda Muqdisho, isagoo sheegay in ciriiriga laga qaadi doono magaalada, lana abuuri doono Koontaroolo cusub.
Gen. Xijaar oo ka hadlayey xaflad ka dhacday degmada Yaaqshiid ayaa shaaciyey inay dhowaan soo saari doonaan qaab cusub oo loo sugi doono amniga, kaasoo ay rajeynayaan inay sii xoojiyo amniga, wuxuuna ugu baaqay saraakiisha ciidamada Booliska inay u diyaar garoobaan qorshaha cusub oo hadda socda oo salka ku haya saldhigyada ciidamada oo la kordhinayo.
Wuxuu taliyuhu sheegay inay joogaan ciidamo Boolis ah oo ku filan sugidda Amniga caasimadda, wuxuuna caddeeyay in qorshaha cusub uu ka kooban yahay;
1- Ciriiriga jid-gooydaoo laga qaadayo gudaha Muqdisho.
2- Koontaroolada caasimadda la durjinayo iyo koontaroolo cusub iyo saldhigyo la abuurayo.
3- Talisyada ciidamada Booliska Degmooyinka G/Banaadir oo awood dheeraad ah la siinayo.
4- Saraakiil la geynayo Koontaroolada oo masuuliyadda wixii ka dhaca qaadi doona.
Taliyaha ciidamada Booliska ayaa sheegay inay doonayaan inay caqabad soo kordhin oo ay xoojiyaan amniga, isla markaana fududeeyaan isu socodka dadka, iyadoo culeyska laga qaadayo degmooyinka xuduudaha Gobolka dhinacyadiisa xiga.