Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa magaalada Kismaayo kulan kulan yeeshay Taliyaha howlgalka Ciidamada Maraykanka ee Afrika Generaal Stephen Townsend.
Taliyaha AFRICOM ayaa maanta tegay magaalada Kismaayo oo ay ka howlgalaan ciidamo Mareykan ah, waxaana kulanka looga hadlay iskaashiga labada dhinac iyo howlgallada ka dhan ah Alshabaab.
War kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri: “Kulanka waxaa looga hadlay sidii la isaga kaashan lahaa la-dagaalanka Argagixisada iyo sidii Mareykanku uu door muuqda uga qaadan lahaa in la wiiqo Argagixisada halista ku ah shacabka Soomaaliyeed”.




