Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Gen. Xuseen Xasan Cismaan ayaa ka badbaaday isku day lagu doonayay in lagu khaarijiyo.
Taliyaha ayaa la sheegay inuu xabsiga sii galayay markii nin is–miidaamiye ah uu damcay inuu taliyaha isku miidaamiyo, kaasoo uu ka hortegay askari ka tirsan ilaalada taliyaha oo la sheegay inuu goobta ku dhintay.
Taliyaha ayaa watay gaari aanay rasaastu karin oo uu markaasi ka degi rabay, waxaana uu ku sigtay inuu qaraxa ku waxyeeloobo, gaariga taliyaha ayaa waxyeelo kasoo gaartay qaraxa is-miidaaminta ah ee ka dhacay gudajha Xabsiga.
Taliyaha Ciidamada Asluubta ayaa la sheegay inuu salaadda jimcaha ku tukan rabay masjid ku yaalla Xabsiga Dhexe.
DEGDEG: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho