Friday, June 27, 2025

Taliyaha Ciidamada Asluubta oo ka hadlay Warar sheegaya inuu xoog ku galay Xarunta Madaxtooyada, markii…

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Jen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa beeniyay warar looga faafiyey baraha bulshada oo ku saabsan inuu xoog ku galay xarunta Madaxtooyada markii laga hor istaagay.

Taliyaha ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararka sheegaya in loo diiday xarunta Madaxtooyada, kadibna uu xoog ku galay, isagoo ku tilmaamay inay arrintaasi faafiyeen dad been ka faafinaya isaga oo dowlad diid ah, sida uu yiri.

“Waxaan daba joogaa hadal been abuur ah oo la iga faafiyey, kaasoo ahaa in taliyaha ciidanka Asluubta laga celiyay Madaxtooyada Qaranka, waa dacaayad waa dulmi, waa aflagaaddo, waa dad abuuraya xumaan aan dalka ka jirin, danta ay leeyihiin iyagaa og, dadkaas waxaan u fasirayaa inay yihiin dad dowlad diid ah, aniga madaxtooyada xoog kuma gelin, cid ii diidayna ma jirin”. Ayuu yiri Taliyaha ciidanka Asluubta oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sidoo kale sheegay inaan loo dulqaadan doonin dadka beenta ku qaraabta ee doonaya inay xumaan ka dhex sameeyaan Madaxda iyo shacabka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON