Tuesday, June 24, 2025

Taliyaha Ciidamada Uganda oo la socday Kolonyadii AMISOM ee askarta NISA ku dishay KM4 [Dowladda Uganda oo War kulul soo saartay]

Dowladda Uganda ayaa si weyn u difaacday rasaastii ay fureen ciidamada ka mida AMISOM oo habeenkii Jimcaha 23-ka Bishan ee weerarradu ka socdeen Muqdisho rasaas huwiyey ciidamada NISA ee ku sugan koontaroolka KM 4.

Taliyaha ciidamada Uganda ee AMISOM ee dhowaan xilka la wareegay Gen. Paul Lokech ayaa la sheegay inuu la socday kolonyada isla markaana uu bixiyey amarka rasaasta lagu furay koontaroolka NISA, taasoo keentay inay ku dhintaan laba askari oo ka mida NISA.

Afhayeenka Ciidamada Difaaca Uganda ee UPDF ninka lagu magacaabo Gen. Richard Karemire ayaa si kulul uga hadlay shilka,w uxuuna sheegay inay ciidamadooda isku difaaceen markii rasaas lagu soo furay iyadoo ku sii jeeda saldhigooda.

“Rasaas ayaad nagu soo fureysaa, markaa waxaad noqoneysaa bartimaameed sharci ah oo aan beegsano, ciidamadeeda way is difaacayeen..” ayuu yiri Richard Karemire  oo intaas ku daray inaan Soomaaliya la kala garaneyn cidda ku tooganeyso iyo cidda kale.

Kolonyo ka kooban 9 baabuur oo ciidamada AMISOM ah oo uu hoggaaminayey Taliyaha ciidamada Uganda ee Soomaaliya ku sugan ayaa u gurmaday xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, markii Alshabab weerar ku qaadeen habeenkaasi, iyagoo dhaawac ay wadeen xilligii uu shilka qabsaday.

Afhayeenka ayaa wax la yaab leh ku tilmaamay in la hor joogsado kolonyo ciidamada AMISOM ah oo aanay suuragal ahayn in cid kale lagu khaldo. “Ma jirto cid kale oo nagula khaldi karo, waxaan u gurmanay oo isbitaalka u sidnay dhaawac..” ayuu yiri Brig Karemire.

Iyadoo shilka dhex maray ciidamada AMISOM iyo NISA la baarayo ayuu Afhayeenka ciidamada dalka Uganda ku adkeystay in sharciga AMISOM u yaalla uu yahay inay rasaas ku jawaabaan mar kasta oo la soo weerarro, taasina ay tahay mid cad.

WARKA OO INGIRIIS AH HALKAN KA AKHRISO

UPDF Spokesman on Somali Shooting: We Acted in Self Defence

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON