Tuesday, June 24, 2025

Taliyaha cusub ee Ciidamada Madaxtooyada oo xilka la wareegay & Indha-qarshe oo farriin u diray

Waxaa maanta xilka la wareegay Taliyaha cusub ee ciidamada ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo dhowaan xilkaasi loo magacaabay.

Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe) Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa maanta ka qeyb-galay Munaasabad uu xilka kula wareegayey taliyaha cusub ee loo magacabay Ururka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya taas oo lagu qabtay xarunta taliska Ururka 60-aad ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha oo la hadlay saraakiisha, saraakiil,xigeenada, allifleyda iyo dableyda Ururka 60-aad ee ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya, isagoona ku ammaanay shaqada ay u hayaan Bulshada iyo madaxda dalka.

“Ururkaan waxaa uu kamid yahay ururada ugu fiican Ciidanka Xoogga dalka, waxaan rabaa in miisaanka aad leedihiin aad sii muujisaan, waana idinku amaanayaa howshiina”ayuu yiri taliyaha

Indho Qarshe ayaa sheegay in taliska Ciidanka xoogga dalka uu ku dadaali doono in la sii tayeeyo Ciidanka Ilaaladda Madaxtooyadda. Ciidamada Ilaalada Madaxtooyadda ayaa lagu tilmaamaa Kuwa xooggan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana inta badan ay helaan Fursado aysan helin Ciidanka kale ee xoogga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON