Sunday, July 13, 2025

Taliyaha Cusub ee Ciidamada Xoogga Dalka Gen. Odowaa oo xilka la wareegay. [Sawirro]

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacday munaasabad xil wareejin ah oo uu xilka kula wareegay taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage.

Munaasabadda ayaa ka dhacday xarunta wasaaradda Gaashaandhigga Somalia, waxaana ka qeyb galay wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Somalia, saraakiisha sare ee ciidamada Qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale; iyadoo Taliyihii hore ee ciidamada Milateriga Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) uu kula dardaarmay saraakiisha ciidamada inay la shaqeeyaan taliyaha cusub.

Taliyaha xilka la wareegay u Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo dhawaan xilkan loo magacaabay ayaa dhinaciisa ballanqaaday inuu si daacad ah ugu shaqeyn doono dalka iyo dadka, wuxuuna noqday taliyihii ugu da”da yaraa ee soo mara ciidamada xoogga dalka.

Image may contain: 2 people, people standing

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON