Saturday, July 5, 2025

Taliyaha cusub ee Itoobiyaanka ah oo Howlgalla Ciidamada AMISOM u bedelaya qaab cusub oo Alshabab

Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya ayaa isbedel ku sameysay howgalka ciidamada ku sugan Koonfurta Soomaaliya.

Taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn ayaa sheegay inay dajiyeen Istaraatijiyada cusub oo la xiriirta weerarrada ka dhanka ah Shabaab, kaasoo hadda ka dib noqon doona Weerarro lagu beegsanaayo bar-tilmaadeedyo cayiman.

AMISOM ayaa caddeysay inay soo idleyn doonto howlgalladii Ciidamadii iyo gaadiidka faraha badan loo adeegsan jiray, ee lagu furan jiray dhulka balaaran, taasoo keentay in qaraxyo waddooyinka lagula eegto uu khasaare xooggan ka soo gaaro.

Sida uu sheegay Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn qorshaha cusub waxaa ka mid ah in la xiro saldhigyo badan oo ay AMISOM ku leeyihiin gobolada qaar marka ay dalka isaga baxaan illaa 1,000 askari oo ka mid ah Ciidanka Burundi oo dhamaadka bishan ka baxaya gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha cusub ee ciidanka AMISOM oo kasoo jeeda dalka Itoobiya Tigabu Yilma Wondimhunegn ayaa madaxda howlgalka ku qanciyey qorshahaan cusub, wuxuuna tilmaamay in arrintan ay meesha ka saareyso in Al-Shabaabku sameeyaan dhaqdhaqaaqyo xor ah oo ay magaalooyinka isaga kala gooshi karaan, iyagoo aan wax cabsi ah qabin.

Qorshaha cusub waxaa kamid ah in Ciidanka AMISOM ay duulaan qorsheysan ku qaadaan deegaano lasoo sahmiyay oo la hubo in ay Al-Shabaabku joogaan, weerarka kadibna ciidanku waxay dib ugu soo laaban doonaan goobihii ay weerarka kasoo qaadeen.

Ciidanka Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya ayaa iminka isticmaala qorshe kan oo kale ah, waxayna weerarro qorsheysan ku qaadaan saldhigyada ay joogaan Hoggaanka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ciidamada AMISOM ma haystaan diyaarado ay ku fuliyaan weerarada gaarka ah, haddii ay qaadaan mid dhulka ah waxay wajihi karaan qaraxyo iyo dagaal toos ah, lamana oga sida qorshahaan cusub ugu hirgali karo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON