Taliyaha Ciidamada Daraawiishta ee Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose Mahad Maxamed Islaam ayaa qarxiyey xog ku saabsan in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliyaha NISA ay ka dalbadeen inauu afgenbiyo maamulka Axmed Madoobe, lana safto dowladda Federaalka.
Taliyahan ayaa Warbaahinta kala duwan iyo baraha bulshada ku faafiyey xiriir qarsoodi ah oo dhex maray madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu xiriiriyey nin uu magaciisa ku sheegay Axmed, ayna wadahadleen Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Mahad Maxamed Islaam wuxuu qarxiyey fadeexad ay madaxda dowladda Soomaaliya u adeegsanayaan lacag si ay ula dagaalamaan Maamulka Jubbaland, isla markaana wadahadal dhex maray looga dalbaday inuu ciidamadiisa hoos geeyo dowladda Federaalka, kana horjeesto maamulka Axmed Madoobe, iyadoo la siiyey lacag dhan 80,000 oo doolar, loona ballanqaaday dalacaad iyo hanti kale.
Arrintan oo si weyn ay baraha bulshada ugu baahiyeen taageerayaasha Axmed Madoobe ayaa caddeymaha ay wadato waxaa ka mida lacago loo diray taliyaha, wuxuuna taliyuhu sheegay inuu wixii dhex maray madaxda dowladda Federaalka la socodsiinayey Madaxweynaha Jubbaland, isagoo dowladda Federaalka ku eedeeyay inay burburineyso maamul Goboleedka Jubbaland.