Wednesday, June 25, 2025

Taliyaha Sirdoonka Talyaaniga oo Muqdisho kulan kula yeeshay Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin

Taliyaha Sirdoonka Talyaaniga ayaa magaalada Muqidsho kula kulmay dhiggiisa Soomaaliya, kadib socdaal rasmi ah oo uu maanta caasimadda Soomaaliya ku tegay.

Qoraal ay faafisay Hay’adda Sirdoonk Soomaaliya ee NISA ayaa lagu yiri: “Taliyaha Sirdoonka Talyaaniga (AISE) Gen. Giovanni Caravelli oo booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho ayaa la kulmay Agaasimaha NISA Fahad Yasin, waxayna ka wadahadleen sare u qaadida & xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac..”

Sirdoonada Soomaaliya iyo Talyaaniga ayaa wada shaqeyn leh iyadoo dhowaan suurageliyey sii deynta haweeneydii ay heysteen Alshabaab ee Silvia Romano.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON