Sunday, July 6, 2025

Taliye Boolis oo xilkii looga qaaday Dhacdadii Dugsiga Hoyga Xamar iyo mid cusub oo la magacaabay

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa caawa xilkii ka qaaday Taliyihii Qeybta Weliyow-cadde, iyadoo lagu eedeynayo dhacdadii saaka aroortii ee Dugsiga Hoyga Xamar oo ciidamo Boolis ah ay burburiyeen, si ganacsato loo xukumay loogu wareejiyo.

Taliyaha cusub ee Booliska Qaybta Weliyow Cadde ayaa loo magacaabay Yaasiin Nuur Kheyre (Yaasiin Ganey), iyadoo arrintan, kadib markii Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. Xijaar uu maanta shaaciyey in tallaabo laga qaadi doono ciidamadii fuliyey amarka lagu buburiyey Qeyb ka mida Dugsiga Hoyga Xamar.

Su’aalo badan ayaa ka dhashay xil ka qaadista ciidamada Booliska ee fuliyey amarkii Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Garyaqaanka guud ee dowladda oo amartay in Qeybta ka mida Hoyga Xamar ay leeyihiin ganacsato, loogan saaro dadka heysta.

Taliyaha cusub ee loo magacaabay Qeybta Waliyow-cadde ee Gobolka Banaadir
Taliyaha Booliska iyo Taliyaha xilka laga qaaday

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON