Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa taliye cusub u magacaabay ciidamada ilaalada Wadooyinka ee loo yaqaan Taraafikada.
Taliyaha cuusb ee Ciidanka Ilaaladda Wadooyinka ayaa loo magacaabay Generaal Maxamed Xuseen Madaale oo ka mid ah Saraakiisha Sarsare ee Ciidanka Booliska, horena u soo noqday taliye ku xigeen iyo taliyaha Booliska G/Banaadir, afhayeenka Booliska iyo taliyah hoggaanmka howlgelinta ciidamada Booliska.
Taliska ciidamada Ilaalada Wadooyinka ayaa ahaa taliye la’aan billihii ugu dambeeyay, waxaana geeriyooday taliyihii hore ee ciidamadan oo habacsanaan soo gashay tan iyo markii xilka laga qaaday Generaal Cali Xersi (Cali Gaab).