Thursday, June 26, 2025

Taliye ka tirsan Booliska G/Banaadir oo si la yaab leh uga badbaaday Gaari lagu qarxiyay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in taliye ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir uu si la yaab leh uga badbaadbiyay gaari lagu qarxiyay.

Taliyaha ciidamada Booliska ee  Qeybta Waliyoow Cadde Maxamed Daahir ayaa ka badbaaday isku day is-miidaamin ah oo lagu khaarijin lahaa kadib markii Gaari uu watay lagu dhuftay gaari kale oo is-miidaamin ahaa.

Taliyaha ayaa askartiisa ayaa ka badbaaday kadib markii gaariga miineysan qarxi waayay, taasoo keentay inay goobta isaga cararaan kana baxsadaan waxaan uu gaariga miineysan qarxay muddo yar kadib.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu dhaawacay saddex askari iyo wariye ka ag dhowaa goobta marka uu qaraxa ka dhacay.

Weriye ka tirsan Radio Kulmiye oo lagu magacaabo Abdikadir Alba ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhaawacmay Qaraxa.

Qaraxa ayaa saameyn ku yeeshay maqaayada Village ee Guriga hooyooyinka oo fadhi u ah saxafiyiinta, halkaasoo weeraro hore ay uga dhaceen.

AKHRISO WARARKA QARAXA


Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON