Thursday, July 17, 2025

Taliye ka tirsan Ciidamada Booliska magaalada Muqdisho oo ka badbaaday Qarax loo dhigay

Taliye ka tirsan taliyeyaaha saldhigyada Booliska Muqdisho ayaa si dirqi ah uga badbaaday qarax miino oo wadadda loo dhigay.

Qaraxan ayaa saaka ka dhacay  Isgoyska Florence ee degmada Wardhiiglay, iyadoo lagu qarxiyay gaari uu la socday Taliyaha Saldhigga Booliiska Degmada Deyniile, waxaana dhaawacyo fudud kasoo gaareen ilaalada taliyaha.

Taliyaha Saldhigga Degmada Deyniile Macalim Faarax ayaa ka badbaaday qaraxa oo dhulka la geliyay, kaasoo meel fog laga hagayey, waxaana ay qaraxday miinada isla markii uu gudbay gaaariga Taliyaha.

Lama soo werin qasaare dhimasho ah oo Qaraxaasi geystay, waxaana la sheegay in dad shacab ah ay ku dhawacmeen. Qaraxyada miinooyinka dhulka la geliyo ayaa si weyn ugu soo kordhay magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON