Saturday, July 12, 2025

Taliye ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in koox dabley ah ay Waqyooyiga magaalada toogasho ku dileen taliye ku-xigeenkii ciidamda ilaalada Wadooyinka maamuka Puntland ee magaaladasi.

Saekaalkan oo lagu magacaabi jiray Maxamed Faarax. ayaa dabley Bistoolado ku hubeysan ay rasaas ku fureen xalay xili uu kasoo baxay salaadiid cishaha, xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxayna goobta ka baxsadeen markii ay falka dilka ah u geysteen sarkaalka.

Ciidamada Amniga ayaa gaaray halkaasi, waxaana howlgal ay sameeyeen la sheegay in dad kooban lagu soo qabtay, balse aan gacanta lagu dhigin dableydii falkaasi ka dambeysay.

DHowaan ayey aayd markii magaalada Gaalkacyo lagu dilay Xuseen Cabdille oo hore u ahaa masuul ka tirsanaa golaha degaanka ee magaalada Gaalkacyo  iyo taliyaha Kastamyada Canshuuraha ee  wasaaradda Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug.

Gaalkacyo ayaa ka mida magaalooyinka waaweyn oo dilalka khaarijinta ah ay ka dhacaan, waxaana inta badan sheegta Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON