Sunday, July 13, 2025

Taliye ka tirsan Ciidamada Dowladda oo lagu dhaawacay Weerarkii duleedka Balcad & Gaari la qabsaday

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo ka yimid  magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle kuna sii jeeday magaalada Muqdisho ayaa weerar gaadmo ah xilli ay ku socdaalayeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe.

Weerarkan oo ay sheegtay Alshabaab ayaa lagu dhaawacay Taliyaha Guutada koowaad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneral Ibraahim Yuusuf Tubakaweyne, waxayna wararku sheegayaan in dhaawaca uu ka soo gaaray Qarax miino oo haleelay Gaari uu la socday agagaarka degaanka Gololey ee duleedka Balcad, gobolka Sh/dhexe.

Qaraxa kadib ayaa labada dhinac waxaa dhex maray Dagaal culus, iyadoo muddo ay rasaastu socotay. Taliyaha Guutada koowaad iyo abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay inay magaalada Jowhar u tageen tirakoobka ciidamada dowladda ee  Gobolka Sh/Dhexe, iyadoo Abaanduulaha la shegay inuu diyaarad saaka ka raacay magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegay in Gawaari Mini Bus ah oo ka mid ahaa baabuurtii la socday Ciidamada la weerarray ay Al-shabaab ay qabsadeen, waxaana Gaariga saarnaa ciidamo laga keenay magaalada Jowhar.

Weerarkan ayaa la sheegay in lagu dilay ilaa 10 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda, iyadoo aanay weli wax war ah kasoo saarin dowladda Federaalka iyo taliska ciidamada xoogga dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON